Antonio Guterres: “Ma ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan”

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa jeediyay khudbad uu ku xusayo 100 maalmood moo ka soo waeegtay weerarradii 7-dii Oktoobar iyo dagaalkii Israa’iil iyo Xamaas ee xigay.

Guterres ayaa diirada saaray khasaaraha rayidka ah ee aan horay loo arag iyo xaaladaha bini’aadantinimo ee Gaza tan iyo markii Israa’iil ay billowday dagaalka ay ku hayso Xamaas, la wareegidda iyo masiirka la haystayaashii Gaza iyo xiisadaha ka taagan gobolka oo dhan.

Waxa uu sheegay in xalka kaliya uu yahay xabbad joojin bini’aadantinimo oo degdeg ah, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan la haystayaasha Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan eedeymaha ku saabsan tacaddiyada galmada iyo kuwa kale 7-dii Oktoobar in si adag loo baaro oo maxkamad loo soo taago.

Waxa uu intaa ku daray “Weerarka ay ciidamada Israa’iil ku hayaan Gaza 100-kan maalmood uu sababay burbur jumlo ah iyo heerar dilal rayid ah oo aan hore loo arag sannadihii aan ahaa Xoghayaha Guud”. Waxa uu intaa ku daray, “Ma jirto wax sabab u noqon kara ciqaabta wadajirka ah ee dadka Falastiiniyiinta.”

“Inuu sii dheeraado iska horimaadka Gaza, waxaa sii kordhaysa khatarta ah in ay sii xumaato xaalada. Mana ogolaan karno in waxa Gaza ka socda ay sii socdaan,” ayuu Guterres hadalkiisa ku soo gabagabeeyay

Ugu yaraan 132 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israel ee Marinka Gaza 24-kii saac ee la soo dhaafay, 252 kalena waa lagu dhaawacay sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin tirada dadka lagu dilay halkaas tan iyo 7-dii October ayaa gaaraya in ka badan 24,000.

“Tiro dhibanayaal ah ayaa weli ku hoos jira burburka iyo waddooyinka, shaqaalaha difaaca madaniga ah ma gaari karaan,” ayay tiri wasaaraddu. Khasaaraha la diiwaan geliyey Isniintii ayaa wadarta guud ee dhimashada Gaza ka dhigaysa 7-dii Oktoobar ilaa 24,100, iyo 60,834 dhaawac ah, ayay wasaaraddu sheegtay.

- Advertisement -