Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Iiraan oo War cusub ka soo saartay weerarkii ay xalay ku qaaday Israa’iil

Sardar Bagheri, oo ah madaxa ciidamada qalabka sida ee Iran ayaa sheegay in Iran ay fariin u dirtay Maraykanka iyadoo la sii marinayo safaaradda Switzerland ee Washington ugana digtay in haddii ay la shaqeyso Israa’iil saldhigyada Maraykanka ee gobolka aysan badbaadi doonin

Bagheri wuxuu yiri marka laga eego dhinaca Iran, howlgalkii militari ee ka dhanka ahaa Israa’iil waa la soo gabagabeeyey.”

Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ciidamada qalabka sida ee Iran ay weli heegan sare ku jiraan ayna diyaar u yihiin inay weeraro qaadaan haddii loo baahdo,” sida uu ku sheegay waraysi uu siiyay TV-ga dowladda.

“Haddii taliska Sahyuuniyadda uu ka jawaabo weerarkan, howlgalkeenna soo socda aad ayuu u weynaan doonaa, wuuna ka xanuun badnaan doonaa kii hore” ayuu yiri Bagheri.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa si cad u sheegay weerarkan ka dhacay Israel ay kaga aargudanayeen weerar ay 1-dii April ay Israel ku burburisay dhismaha qunsuliyada Iran ee magaalada Dimishiq.

Duqeymaha aan horay loo arag ee ka yimid Iran kuna wajahan Israa’iil ayaa u muuqda inay joogsadeen, sida laag soo xigtay laba sarkaal oo Mareykan ah. Weeraradu waxay socdeen ku dhawaad ​​shan saacadood waxana ay bariga dhexe galiyeen khal khal weyn.

Related posts

RW hore: “Qeyb kama ahi bayaankii ka soo baxay Madaxdii hore ee Puntland”

Caydiid Ali

Fadeexad culus oo soo wajahday dowlada Sweden

Caydiid Ali

Dowlado Carbeed oo cambaareeyay xadgudubyo cusub oo Israa’iil ku kacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---