Tahriibayaal ka baxsanayay Goob lagu hayay oo la dilay iyo Baaritaano lagu sameenayo

Tahriibayaal isku dayay in ay ka baxsadaan goob lagu hayay oo kutaala dalka Liibiya ayaa rasaas xoogan lagu furay, waxaana rasaastaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay lix qof oo kamid ahaa tahriibayaasha baxsanayay ayaa la toogtay halka tiro kalana ku dhaawacmeen, ciidamada ayaa sidoo kale xerada kusoo celiyay qaar kale oo kamid ahaa dadkii isku dayay in ay baxsadaan.

Sargaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in rasaas lagu furay tahriibayaal isku dayay in ay ka baxsadaan goob lagu hayay, waxa uuna sheegay in rasaastaasi ku dhinteen qaar kamid ah Tahriibayaasha .

Waxa uu sheegay sargaalkan in ay bilaabeen baaritaan lagu ogaanayo dalalka ay kasoo jeedaan dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay, waxa uuna xusay in si dhaw ula socon doonaan xaalada dadka waxyeelada kasoo gaartay toogashada.

Dalka Liibiya waxaa ku sugan kumanaan Muhaajiriin wadamo kala duwan kasoo jeeda kuwaa oo doonayay in ay u tahriibaan Qaarada Yurub, waxaana dadkan qaarkood lagu heestaa goobo gaar ah oo looga qaato lacago baad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -