Dagaal ka dhaca Galmudug oo la sheegay in ay Ceeb ku noqon doonto Farmaajo iyo Rooble

Magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel waxaa ka socda abaabul dagaal oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Galmudug oo gacan ka helaya ciidamada dowlada Federaalka iyo ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna.

Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada Galmudug ayaa ka digay dagaal mar kale ka dhaca deegaanada Galmudug oo dhax mara ciidamada maamulka iyo kooxda Ahlu Sunna.

Waxa uu sheegay Dr Baadiyow in khalad weyn ay tahay in kooxda Ahlu Sunna xiligan qabsato magaal,o waxa uu sidoo kale khalad kale ku tilmaamay in maamulka Glamudug xal u aragto iyana dagaal.

Siyaasigan ayaa tilmaamay in ceeb ku noqon doonto Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta dagaal ka dhaca deegaanada Galmudug ay kasoo jeedaan.

”Ahlu-Sunna iney xoog ku qabsato deegaano ka mid ah Galmudug waa khalad. In DG Galmudug xal u aragto dagaal waa khalad kale. Waxaa loo baahanyahay xal caqli ku dhisan. Dagaalka waxaa ku ceebaysan RW. Roble iyo MW. Farmajo oo reer Galmudug ah, iyo dhammaan waxgaradka Galmudug.” ayuu yiri Dr Baadiyow.

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna ayaa si weyn looga dareemayaa Guriceel iyo Dhuusomareeb, waxaana siyaasiyiinta qaar ku baaqayaan in dagaal laga baaqsado oo wadahadal lagu dhameeyo xiisada taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -