Dadkii laga soo tarxiilay magaalada Laascaanood oo Diyaarado lagu soo qaadayo

Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in deegaanadooda dib loogu soo celiyo dadka kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaan laga soo tarxiilay magaalada Laascaanood.

Wefdi Wasiiro ah oo maamulka Koonfur Galbeed u diray magaalada Gaalkacyo ay joogaan qaar badan oo kamid ah dadkii laga soo tarxiilay Laascaanood ayaa kulan la qaatay Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Masuuliyiinta labada maamul ayaa kawada hadlay sida ugu haboon ee loo soo amba bixin karo dadka ku sugan magaalada Gaalkacyo kana soo laabtay Laascaanood kuwaa oo doonaya in dib loogu celiyo deegaanada ay kasoo jeedaan.

Wasiiro katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in diyaarado lagu daabuli doono dadka doonaya in ay dib ugu laabtaan deegaanadooda Koonfur Galbeed ayna taasi gacan ka geesan doonto maamulka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaana dhageesan doona dadka laga soo tarxiilay  Laascaanood iyo sida uu xaalkoodu yahay, waxaana la filayaa in masuuliyiintaasi warbixin ku saabsan dadkaasi usoo gudbiyaan masuuliyiinta Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -