Khilaafka Soomaaliya Iyo Imaaradka Oo Sabab U Noqonaya In AMISOM Aysan Ka Bixin Dalka 

Machadka Daraasaadka Amniga ee ka faalooda siyaasadda Qaaradda Africa (ISS) ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya Iyo Imaaradka Carabta waxa uu ku sheegay in qorshaha AMISOM ay kaga baxeyso Soomaaliya in uu saameyn ku yeelan doono  iyagoo saddex qodob tiigsaneysa kuwaa oo muhiim ay tahay in marka hore la buuxiyo waxana ay kala yihiin:

1: U Diyaargarowga Ciidamada Dowladda in AMISOM ay kala wareegaan dalka.

2:  In Horumar laga sameeyo hanaanka siyaasadeed ee dalka.

3: In amaanka Soomaaliya la adkeeyo lana wiiqo awoodda Al-Shabaab.

Qodobaka koowaad ayaa lagu sheegay in shuruudihiisa lagu buuxin karo maamulka dowladda Iyo Hogaanka Ciidamada dalka oo tababar iyo qalabeyn isuga dara Ciidamada, maadaama Doorkii Imaaradka uu meesha ka baxay iyadoo hoosta laga xaqriiqay in Ciidamada Imaaradku tababareen asysan adeecin awaamirta Taliyaasha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed., waxaana AMISOM ay la taala dhaceysa in ay buuxiso booskii Imaaradku banaayeen ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay dalka isaga baxayaan.

Qodobka Labaad oo ah hanaanka siyaasadeed ee dalka ayaa lagu sheegay in uu khatar kujiro iyadoo Dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in 2020-ka la qabto doorasho qof iyo cod ah taa oo u baahan in Soomaaliya laga gacan siiyo, waxaana laga cabqsi qabaa in Imaaradku taageeraan Mucaaradka dowladda iyo Maamul Goboleedyada Dalka oo arintani saameyn ku yeelan kara.

Ururka daraasadaha  amniga ee loo soo gaabiyo (ISS) ayaa qodobkiisa ugu dambeeya ku sharaxay in ay wiiqmi karto awoodda ciidamada Dowladda marka loo eego taageeradii Imaaradka Carabta iyadoo la sheegay in ay dib uga guran karaan ciidamada goobihii ay horay u qabsadeen.

Al shabaab iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ayaa ka faa’ideysanaya khilaafka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaradka waxeyna u tahay fursad ay ku kobci karaan awoodooda, iyagoo sii ahaan kara caqabad siijiidanta oo Soomaaliya ka jirta.

Madaxa ururu Goboleedka IGAD u qaabilsan Barnaamijka Nabadgalyada iyo dib u habeynta ninka lagu magacaabo Abebe Muluneh ayaa waxa uu sheegay in saameynta ka dhalata khilaafka ka tagaan Soomaaliya uu gabi ahaanba suurtagalin karo in AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya xitaa 2020..

Daraasadda Macahadka ka faalooda arimaha amniga Africa ee (ISS)ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay in Khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaradka Carabta in uu keeni karo Qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee dalka, waxaana Dalka uu ahaan doonaa mid xaalado adag ku jira iyadoo intaas ay dhaartahay Khatar dhanka Amniga ah oo nabadgalayada dalka sii cuuryaamisa, waxaana Khubradda Daraasadan sameysay ay ku taliyeen in nidaam dibloomaasiyadeed lagu xaliyo khilaafka labada dal si UAE ay u siiwado taageerada aysiin jirtay dowladda iyo ciidamada.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

Abdiazizh99@gmail.com

Xigasho: issafrica.org

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -