Axmed Madoobe oo Guddi u magacaabay Xaalada Degmo katirsan Gobolka Gedo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay xaaladaha abaaraha ka jira qeybo kamid ah Jubaland, arimaha amaanka iyo qodobo kale.

Ugu horayn Wasaarada amniga ayaa ka warbixisay xaalada amniga Jubaland iyo xaaladahii u danbeeyay oo ay kamid yihiin howlgalo ay sameeyeen Ciidamada kala duwan ee amniga.

Wasaaradaha xanaanada xoolaha iyo Wasaarada Maaraynta masiibooyinka ayaa ka warbixiyay abaaro si xoog leh ugu jira qeybo Kamid ah Jubaland taas oo saamayn ku yeelatay xoolaha iyo dadweynaha, waxaa intaas dheer xanuuno aan la aqoon oo si ba’an u laynaya xoolaha sida wasaarada xanaanada xoolaha ay ku warbixisay.

Dhinaca kale Wasaarada Cadaalada arimaha diinta iyo awqaafta ayaa ka warbixisay shaqooyinka waaxda Cadaalada iyo sida ay muhiimka u tahay in la xoojiyo hay’adaha Cadaalada taas oo wax badan laga qabtay sanadahii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa gudi ka kooban Wasaaradaha Amniga, arimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada Maaliyada, iyo howlaha guud, waxaa uu u xilsaaray inay qiimayn iyo talo bixin kasoo sameeyaan xaalada Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo taas oo la xiriira arimaha amniga, dhaqaalaha, maamulka iyo garoonka diyaaradaha.

Wasaarada Caafimaadka ayaa ka warbixisay Xaalada #Covid19 ee Jubaland iyadoo xustay in meelo badan oo kamid ah Jubaland wali xanuunku uu ka jiro, waxaa kale oo wasaaradu ay ka warbixisay Safar wafdi wasiirka uu hogaaminayo ay ku tageen Magaalada Dhoobley, dhina kale wasiirka ayaa ka mahad celiyay qalab kala duwan oo Hay’ada Carta foundation ay ugu deeqday Wasaarada taas oo wax badan ka tari doonta shaqooyinka socda iyo dadaalka Wasaarada ee dib loogu habaynayo kaabayaasha Caafimaadka taas oo taageero weyn looga baahan yahay dadka deegaanka ee qurbaha ku maqan.

Ugu danbayntii Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa ka warbixisay shirar wasiirka wasaaradu ay kaga qeybgashay Magaalada Muqdisho iyo waxyaabahii kasoo baxay.

- Advertisement -