Ruushka oo ku dhaqaaqay talaabo laga cabsi qabo iney ka careysiiso Maraykanka

Dowlada Ruushka ayaa magaalada Moscow ku xiray muwaadin Mareykan ah oo ay ku eedeeyeen inuu basaas yahay.

Hay’adda Adeega Amniga Federaalka Ruushka ee FSB ayaa maanta soo saartay bayaan ay ku sheegtay in Paul Whelan la xiray 28-kii December “isaga oo fulinaya ficillo jaajuusnimo”

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Paul lagu wado baaritaan dambiyeed.

Ma aysan bixin faahfaahin intaas dheer, hase yeeshee wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa sheegtay in Paul uu wajahayo 20 sano oo xabsi ah haddii dambiga lagu qiro.

Saraakiisha Mareykanka weli wax jawaab ah kama aysan bixin xarigan.

Warka ku saabsan xariga Paul ayaa yimid wax ka yar 24 saac un kadib markii madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu soo saaray hambalyada sanadka cusub oo uu u diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isaga oo sheegay in Msocow ay diyaar u tahay inay wada-hadallada arrimo badan la sii waddo Washington.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -