Dowlad weyn oo Ciidankeeda ka mamnuucday Isticmaalka Telfoonada Casriga ah

Aqalka hoose ee Baarlamaanka Dowlada Ruushka ayaa meel mariyay sharci ka mamnuucaya ciidamada dalkaasi gaar ahaan Milatariga in ay isticmaalaan telfoonada casriga ah.

Ciidamada Milatariga Ruushka ayaa gabi ahaan laga mamnuucay in ay isticmaalaan Telfoonada casriga ah ee dunida xiligan laga isticmaalo iyo sidoo kale Laptobyada inta ay shaqada ciidanimo ay ku jiraan.

Sharcigan ay u codeeyeen 400-Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee Ruushka ayaa u codeeyay in ciidamada laga mamnuuco in ay isticmaalaan Telfoonada leh Internerka sidoo kale sawirada iyo muuqaalada lagu qaadi karo.

Ciidamada Ruushka ayaa sababta looga mamnuucay Telfoonada casria ah lagu sheegay in  ay wax u dhimeyso amaanka Qaranka, waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in xogta ciidanka si sahlan lagu helo.

Saraakiisha Milatariga Ruushka ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay ka hortagga in xogta milatariga ay helaan waaxaha sirdoonka, waxaana sharcigan saameyn ku yeelanayaa ciidanka Ruushka oo badankood isticmaalaan telfoonada casriga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -