Digniin laga bixiyey musiibo sanadaha soo socda ku soo wajahan caalamka

Ururka caalamiga ah ee biyaha ayaa ka digay xasarad biyo oo guud ahaan dunida ka dhici karta taasoo lala xiriiriyay isbeddelka cimilada.

Wuxuu ururku ku qiyaasay in sanadka 2050-ka ay in ka badan kala bar bulshada aduunka aysan heli doonin biyo ku filan ugu yaraan muddo bil ah ama ka badan.

Ururka WMO ayaa sheegay in dhibaatada helidda biyaha lala xiriirinayo abaaraha iyo daadadka, oo galaaftay nolosha xoolaha isla markaana saameyn ba’an ku yeeshay bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah.

Ururka ayaa dowladaha ugu baaqay inay isku dhafaan siyaasadahooda cimilada iyo biyaha ayna iska kaashadaan maamulka biyaha. Wuxuu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay maalgashiyo badan oo lagu sameeyo hannaanka ka digista daadadka iyo abaaraha.

Biyo la’aanta ka jirta haddaba meelo ka mid ah caalamka ayaa la sheegay in sanadaha soo socda ka sii dari doonto, haddi aan la sameynin dedaalo dheeraad ah oo arrintaas looga hortagayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -