Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo duulaan ku qaaday magaalada Guriceel

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamo badan oo isugu jira kuwa dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug duulaan ku yihiin magaalada Guriceel.

Ciidamadan ay ku jiraan kuwii dhawaan la geeyay magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay u ruqaansaday dhinaca magaalada Guriceel, waxaana wararku sheegayaan in ujeedka ciidankan yahay sidii gacanta maamulka Galmudug loogu soo celin lahaa Guriceel.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada huwanta ah ayaa gaaray deegaano kuyaala duleedka magaalada Guriceel, waxaana ciidankan yihiin kuwa badan oo wata gaadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan.

Magaalada Guriceel ayaana xiligan laga dareemayaan xiisad dagaal, waxaana magaalada ka bilowday barakac ay sameenayaan dadka shacabka ah oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo.

Madaxda maamulka Galmudug ayaana go’aamiyay in duulaan culus lagu qaado magaalada Guriceel in looga saaro ciidamada taabacsan kooxda Ahlu Sunna oo maalintii jimcaha magaaladaasi dagaal la’aan kula wareegay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -