Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha ciidamada ilaalada Madaxtooyada Puntland iyo kuxigeenkiisa oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee maamulka Puntland.

Halka ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee May 14, 2020 ku magacaabay Taliyaha iyo Taliye ku-xigeenka Ciidamada Madaxtooyada ee  Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.

2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar ku xeel dheer Qaliinada lafaha iyo Qaliinada Ciyaartoyda oo imaanaya Isbitaalka Kalkaal

Cabdi Cade

Mareykanka oo duqeeyey Markab laga leeyahay Turkiga

Caydiid Ali

(Sawirro) Taiwan oo dhaqaale ugu deeqday Somaliland ka dib jabkii Laascaanod

Caydiid Ali
Taboola Ads ---