Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo ka hadashay weerarkii khasaaraha geestay ee ka dhacay Imaaraadka

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareesay weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha loo adeegsaday ee shalay lagu qaaday magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa qoraal kasoo baxay lagu cambaareeyay qaraxyada ay ku dhinteen sadexda qof ee kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen shalay ka fuliyeen Imaaraadka.

“Anigoo ku hadlaya magaca DFS, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii dhintay iyo qoysaskooda. Falalka argagixisanimada ayaa khatar weyn ku ah gobolka iyo Amniga caalamka, Waxaan garab taagannahay shacabka Imaaraadka Carabta ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasiirka.

Cambaareynta qaraxan ee dowlada ayaa kusoo aadaya xili xukuumadda Soomaaliya shaacisay in ay dib usoo celineyso xiriirkii kala dhaxeeyay dowlada Imaaraadka oo xumaaday dhoor sano kahor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=GOl113snXDQ

Related posts

Villa Somalia oo qorshe cusub wada iyo Go’aan kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda iyo Warar kale

admin

Madaxweyne Farmaajo oo ammar siiyay taliyaasha Ciidamada Qalabka sida (Sawirro)

Cabdi Cade

Haweeney badsatay daawashada aflaanta dambiyada oo fulisay dambi laga argagaxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---