Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Somalia oo maanta riday xukun dil ah (Daawo Sawirro)

Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday sarkaal ka tirsan milateriga Somalia oo magaciisa la yiraahdo. dalka Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda Ciidamada hor keenay  dacwad ka dhan ah  Xidigle Xoogga Dalka Mowliid Cali Cabdi oo dil bareer ah u geystay Ex. Dable Axmed Nuur Xuseen oo ay ka wada tirsanaayeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xeer ilaalinta ayaa soo bandhigay Cadeymihii laga qoray eedeysanaha, warqadda dhimashada marxuumka ay qolyaha caafimaadka ku cadeeyeen dhimashada, qorigii lagu dilay iyo laba askari oo goob joog u ahaa falkaasi.

Intaas kedib ayaa waxaa doodda qaatay Qareenkii difaacayay eedeysanaha, waxa uuna maxkamadda ka hor sheegay in eedeysanaha dambiga geystay uu difaacayay naftiisa isagoo qiil kaga dhigay in uu ka da’weynaa, balse ay ka xun yihiin wixii dhacay oo dil ah taa bedelkaadna ay diyaar la yihiin Diyada Marxuumka.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo eegaya  Eedda Xeer Ilaalinta, Cadeymaha Warqadaha Dhimashada, Markaatiyaasha, Qorigii lagu dilay Marxuumka iyo Qiraalka uu ka hor cadeeyay Maxkamadda aya go’aan ku gaareen In Mowliid Cali Cabdi uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, waxa ayna Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil-Toogasha ah  oo ah Qisaasta Ex, Dable Axmed Nuur Xuseen iyadoo sidoo kale ka xayuubisay Darjadii Ciidan uu lahaa, Sida uu u sheegay Warbaahinta Garsoor G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

In ka badan 100 qof oo qaxooti ahaa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiil katirsan ciidamada AMISOM oo bilado iyo shahaadooyin la gudooniiyay

Cabdi Cade

Baarlamanka Puntland oo baabi’iyey heyad uu dhowaan magacaabay C/wali Gaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---