Qarax weyn oo ka dhacay degmada Baardheere iyo Masuul lala beegsaday (Sawirro)

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo, qarax weyn ayaa goor dhow ka dhacay degmada Baardheere kaasoo geystay khasaare kala duwan.

Qaraxan ayey wararku sheegayaan in lala beegsaday gaari uu la socday Maareeyaha garoonka dayuuradaha degmada Baardheere Jaamac Cali Hire.

Warar iskhilaafsan ayaa ka soo baxaya qaabka uu qaraxan u dhacay, kuwaasoo qaarkood sheegayaan inuu ahaa mid gaariga loogu xiray, halka warar kalena ay tilmaamayaan inuu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof naftiisa biimeeyey oo watay mooto bajaaj.

Maareeyaha garoonka dayuuradaha degmada Baardheere Jaamac Cali Hire iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayey wararku sheegayaan iney ku dhaawacmeen qaraxaas, iyadoo gaariga Maareeyahana uu soo gaaray burbur xoogan.

Ciidamada Amaanka degmada Baardheere oo ku baxay weerarkan ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, halkaasoo ay ka wadaan baaritaano, mana jiro weli war ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan degmada baardheere oo la xiriira weerarkan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -