Hooyo si Arxan daro ah Cunug ay dhashay ugu dishay magaalada Guriceel

Hooyo ku nool magaalada Guriceel ayaa xalay si arxan daro ah cunug yar ay dhashay oo hal sano jir ah u dishay, waxaana dhacdadan noqotay mid si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka.
 
Goobjooge ku sugan xaafada dilku ka dhacay ayaa sheegtay in hooyadan cunugeeda yar inta lugaha ka qabatay darbiga guriga ku garaacday, waxa ayna taasi keentay in cunuga daqiiqado yar kadib uu geeriyoodo.
 
Sababta hooyadan cunugeeda yar u dishay ayaa lagu sheegay in uu la xariiray khilaaf qoys, waxaana hooyada cunugeeda dishay xabsiga dhigay ciidamada Ahlu Sunna ee dhawaan la wareegay Guriceel.
 
Dadka deegaanka uu falkan ka dhacay ayaana si weyn u hadal haya dhacdadan hooyada sida arxan darada ah ugu dishay cunuga yar ee dhashay, waxa ayna dadku siyaabo kala duwan uga hadleen waxa sababay falkan arxan darada ah.
 
Falalka argagaxa leh ayaa mudooyinkan kusoo badana qeybo kamid ah Soomaaliya, waxaana magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka ka dhacay dhacdooyin badan oo argagax iyo layaab abuuray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -