Iran oo Mareykanka ku xirtay Shuruud ah in uu bixiyo 10-Bilyan oo Dollar si ay u wada hadlaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdollahian ayaa sheegay in saraakiisha Mareykanka ay bishii la soo dhaafya isku dayeen inay kala hadlaan soo celinta wada hadallada nukliyeerka, balse uu ku xiray shuruud adag, oo hore la isku mari waayay.

Wasiirka ayaa sheegay in Mareykanku uu ku qasban yahay in Iiraan uu siiyo lacag dhan $10 bilyan oo doollar oo uu hore uga xayiray dalkaas.

Iiraan ayaa hore u diidday wada hadallo toos ah oo lala galo Mareykanka, sidoo kalena wada hadallo aan toos ahayn oo lagu soo celin lahaa heshiiska nukliyeerka ee 2015 ayaa dhicisoobay bishii June ee sanadkan.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iiraan, bishii la soo dhaafay QM iyo Mareykanka ayaa isku dayay inay la xiriiraan wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Iiraan Hossein Amir-Abdollahian, iyagoo u maraya dhex dhexaadiyeyaasha.

Balaayiin doollar oo Iiraan ka soo galay dhoofinta shidaalka ayaa ku xayiran bankiyo dibadda ah kaddib cunaqabateyntii uu Mareykanku saaray dalkaas.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa cirka isku sii shareertay wixii ka dambeeyey 2018-kii, kaddib markii uu madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii Nukliyeerka, cunaqabateyntana uu dib u soo celiyey.

Ibraahim Ra’isi oo dhowaan loo dhaariyay madaxtinnimada Iiraan ayaa hore u sheegay inuu taageerayo ‘qorshe kasta oo diblumaasiyadeed’ oo soo afjaraya cunaqabateynta

Heshiiskii 2015-kii ay wada galeen Iiraan iyo lixda dal ee kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka ayaa u muuqday mid joojinaya howlaha nukliyeerka si meesha looga saaro cunaqabateynta dhaqaale ee dhaqaalaha dalka Iiraan saameeyey. Balse Iiraan ayaa dib u billowday howaha Nukliyeerka ee laga mamnuucay kaddiba markii uu Trump heshiiska ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -