(Sawirro) Somaliland oo soo masaafurineysa dadka ka soo jeeda Koonfurta Somalia

Maamulka Somaliland ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka soo masaafurinaya boqolaal qof oo ku noolaa magaaladaasi, kana soo jeeda Koonfurta Soomaaliya

Dadkan ayaa xalay iyo shalay waxaa magaalada ka qabqabtay Booliiska Somaliland ee ka howlgala Laascanood, waxaana la isugu geeyay xalay garoonka ciyaaraha Cabdi Bille, iyadoo saaka loo diyaariyey gaadiid waaweyn oo u soo daabulaya koonfurta Somalia.

Booliska ayaa beegsaday dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya guud ahaan kuwaasoo ay ugu badan yihiin kuwa ku hadla lahjada Maayga ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, waxaana laga qabqabtay goobahooda ganacsiga, suuqyada iyo xaafadaha

Taliyaha Booliska gobolka Sool G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi. ee maamulka Somaliland ayaa sheegey inay ajnabi yihiin dadka kasoo jeeda Soomaaliya, ayna ula mid yihiin Itoobiyaanka.

“Dadka ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya waa ajnabi waxay noola mid yihiin Itoobiyaanka waana ka saaraynaa Laascaanood, annaga waxaa nala yiraahdaa Somaliland, Soomaali ma nihin waxbana nooma gelin” ayuu yiri G/dhexe Axmed Cabdullaahi Cabdi.

Taliyaha ayaa dadkan ku eedeeyey inay mas’uul ka yihiin falalka amni darro ee ka dhaca magaalada Laascaanood, iyadoo lala xiriirinayo Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -