Dowlada Somalia oo si kulul uga hadashay shacab laga soo Masaafuriyey Somaliland

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa si kulul uga hadlay tallaabada ay Somaliland kusoo masaafurisay dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya oo ku noolaa magaalada Laascaanood.

Wasiirka ayaa sheegay in aad xun yihiin dadka Soomaaliyeed ee Maanta laga soo masaafuriyay Laascaanood, wuxuuna tilmaamay arrintaas inay tahay wax ku cusub dhaqanka suuban ee shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan aad uga xumahay waxa ka socdo magaalada Laascaanood, in dad Soomaaliyeed laga musaafuriyo magaalo Soomaaliyeed waa wax ku cusub dhaqankeena suuban, mana ka turjumeyso ilbaxnimada iyo dhaqanka Dowliga ah. Waxaa nasiib daro ah in si gaar ah loo bartilmaameedsado dad gaar ah oo weliba si nadab ah ugu ganacsanayey magaalada, qaarkoodna hantidooda iyo guriyahooda laga soo dhex saarey” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa Somaliland ugu baaqay inay joojiso falalkan ay ku dhaqaaqday oo uu sheegay in uusan ka turjumeynin ilbaxnimada iyo damiirka wanaagsan, wuxuuna Waxgaradka Laascaanood iyo Hay’addaha u dooda xuquuqda dadka ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan falkaan.

“Waxaan ugu baaqayaa maamulka Somaliland in ay joojiyaan falalka noocaan oo kale ah oo dhaqanka Islaamka, midka Dowliga ah iyo kan Soomaaliyeed midna aan ka tarjumeynin.

Waxaan sidoo kale wax garadka, Culimada, aqoonyahanada, Isimada, Cuqaasha,hayadaha u dhaq dhaqaa xuquuqda aadanaha iyo Shacab-weynaha reer Laascaanood ugu baaqayaa in aysan ka aamusin raalina ka noqon falkan foosha xun, dowrkoodana ka qaataan xalinta arinkan” ayuu hadalkiisa ku soo xiray wasiirka.

Dhinaca kale,  Wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur galbeed ayaa isna si kulul u cambaareeyey talaabada Somaliland ku soo masaafurisay dad ka soo jeeda Koonfurta Somalia.

Booliska Somaliland ayaa ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya isugu geeyay Garoonka kubada Cagta Laascaanood, iyagoona halkaas kasoo saaray gaadiidka nooca xamuulka, soona masaafuriyey, iyagoo ku eedeeyay dadkaas  amni-darro iyo dilal dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -