Hirshabelle oo War ka soo saartay dhalinyaro sabab yaab leh loogu xiray Jowhar

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, ayaa sheegay in magaalada Jowhar lagu xiray lix qof oo dhalinyaro ah balse seddax ka mid ah markii dambe la sii daayay.

“Wiilasha la xiray waxay ku howlanaayeen kicin bulsho. Waxay ku lug lahayeen abaabul rabashado, iska horkeen bulshada iyo dowladda ayay wadeen. Haddii caddeymo loo helana waxaa lagu warejinayaa garsoorka si loo maxkamadeeyo,” ayuu yiri Wasiir Kheyre.

hase ahaatee qaraabada dhalinyarada ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in carruurtooda ay ugu hoydeen xabsi, si aan waafaqsaneyn shuruucda dalka iyagoo loo haystay oo kali ah inay wateen ama ay xirnaayeen dhar lagu sawiray calan ku qoran Hiiraan State.

Hirshabelle ayaa lagu wadaa in isbuuca soo socda ay u dabbaaldegto sanad guuradii shanaad tan iyo markii la alkumay maamulkaasi.

Madaweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaaney weli suu suuragalin inuu booqdo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan tan iyo markii la doortey oo ay kasoo wareegatey muddo ku dhaw sanad.

Maamulka HirShabele ayaa waxaa kaga imanaya mucaarad adag dhanka gobolka Hiiraan, iyadoo gobolkani uu gabi ahaanba ku qanacsaneyn habka loo dhisay maamulka HirShabelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -