Wararkii ugu dambeeyey dagaalkii dhexmaray Ciidamada Galmudug iyo Ahlu sunna

Waxaa soo baxaya faahfaahino ka soo baxaya dagaal maanta ciidamada Galmudug iyo kuwo taabacsan ahlu suna ku dhexmaray deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb.

Dagaalka ayaa bilowday markii maanta barqadii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen deegaanka Bohol oo ay fariisimo ka dhigteen ahlu sunna.

Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada Ahlusunna ay dib u qabsadeen degaanka Bohol oo duhurnimadii maanta ay kala wareegeen Ciidamada Dowlada.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo halkaa ka dhacay uu sababey dhimashada in ka badan shan ruux iyo dhaawaca labaatameeyo kale oo isugu jirta saraakiil iyo askar lakala geeyay Dhuusamareeb & Caabudwaaq.

Dhinacyada dagaalamey ayuu mid walba dagaalkan ka sheegtay guulo, inkastooo aysan jirin cid ka madax banaan oo xaqiijin karta sheegashadooda.

Xaalada ayaa galabta illaa yara deganeyd inkastoo dadka deegaanka sheegayaan inay suuragal tahay mar kale dhinacyadu iney fooda is daraan maadaama ay iminka jiraan abaabulo kale oo halkaas ka socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -