Rooble & James Swan oo socod dheer ku maray xeebta garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo ay la socdeen masuuliyiin uu ka mid yahay wakiilka QM ee Somalia James Swan ayaa galabta socod ku maray xeebaha badweynta India ee dacalka ku haya garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka xukuumada Somalia Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in socod madaxda uu ahaa mid majo baxsi ah oo laga lahaa labo ujeedo.

“Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa  galabta socod minjo baxsi ah waqti dheer “passeggiata “ ku Lugeeyay  Xeebta Xalane, Ujeedka koowaad waxa uu ahaa guushii dhamaystirka Aqalka Sare ee Somaliland oo maanta soo idlaatay” ayuu yiri Macalimu.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in socodkan uu ahaa mid loogu diyaar garoobayo doorashada xubnaha golaha shacabka oo dhowaan bilaabaneysa, maadaama ay heer dhamaad ah mareyso doorashadii aqalka sare.

“Ra’iisul Wasaaraha oo hogaaminaya doorashada dalka ayaa u sii alamiinteynaya hirgalinta doorashada Gollaha Shacabka oo Eebe idinkii uu rajeynayo inuu nabad ku soo gabagaboobo inshallah. Waxana isaga oo Allah talo saaranaya uu la kashanayaa Gollaha Wadatashiga Qaran, Musharaxiinta iyo Guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

- Advertisement -