Taliban oo qabsatay goobo ay dalka Afghanistan ka joogeen xoogaga Daacish

Taliban ayaa sheegtay inay baabi’isay saldhigyo ay dalkaas ku lahaayeen kooxda Daacish iyo ururo kale oo hoos taga.

Afhayeenka Taliban Sabihullah Mujahid ayaa sheegay in hawlgalo gaar ahaa oo ciidamadooda ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada Helmand iyo Masaara Shariif in lagu burburiyay saldhigto ay lahaayeen ururada Daacish iyo ISKP kuwaasoo weeraro ka gaystay dalkaas tan iyo markii talada wadankaas uu qabsaday ururka Taliban.

Afhayeenka Taliban waxaa uu sidoo kale sheegay inay jiraan dagaalyahano Daacish iyo ISKP oo dhankooda isku dhiibay.

Warbaahinta gudaha Afghanistan ayaa baahisay dagaal 5tii cisho ee lasoo dhaafay ka dhacay dalka Afghanistan ay Talibanku qabsadeen dhul buuralay ah oo Daacish saldhigyo ku lahaayeen. Ma jiro wax war ah oo dhanka Daacish kasoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -