Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka Madaxda sare ee DF iyo kiiska Ikraan Tahliil

Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo khudbad dheer ka jeediyay madal dadwayne oo ka dhacaysay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo xiligan.

Madaxwaynaha ayaa ku dheeraaday arrimaha doorashooyinka ka socda dalka iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada

“Ra’iisul Wasaarow, masuuliyadda aad ummadda u hayso way caddahay annaguna waan ku garab taaganahay ee dalkan ka hirgali doorasho xor ah oo aan mindida daabkeeda lagula haysanin” ayuu yiri Axmed Madoobe

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale tlmaamay muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo heshiisyadii la wada gaaray.

“Mawqifka Jubbaland ee Doorashooyinka waa in dhammaan la ixtiraamo heshiisyadii la wada galay, Ra’iisal Wasaraha shaqo dacalka la haysto ma qaban karo shaqadiisa haloo madax banneeyo isagaa wadanka masuul ka ah, mindi daabkeeda la haysto RW Rooble waxba Kama qaban karo ” ayuu yiri .

Dhinaca kale waxaa kale oo Madaxweynahu uu sheegay iney masuuliyad ka saaran tahay sidii uu cadaalad ugu heli lahaa sargaalad Ikraan oo katirsanayd Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka oo warbixintii Hay’adu ay kiiskeeda kasoo saartay ay ahayd mid aan lagu qanci Karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -