Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Coronavirus oo saameeyey Qoyska Boqortooyada Sacuudiga & Bin Salman & aabihiis oo..

Qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay cudurka Coronavirus, kadib markii uu ku dhacay tobanaan ka mida qoyskaasi Reer C/casiis Al-sacuud.

Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee New York Times wuxuu cudurka coronavirus ku dhacay xubno ka mida QoysKa Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay qaadaeen in ku dhow 150 qof oo ka mida qoyska Boqorooyada. Waxay xaaladiisu liidataa Amiirka Magaalada Riyaad Feysal Bin Bandar Bin C/casiis oo la sheegay inuu qeybta xaaladda degdega ah ku jiro.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis inuu tegay jasiirad yar oo ku taalla Badda Cas, agagaarka magaalada Jiddah, halkaasoo uu isku go’doomiyey laguna ilaalinayo cid u tegi kartana aanay jirin.

Dhinaca kale dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo qaar ka mida Wasiirada dalkaasi ay xarun ka dhigeen goob fog oo ka mida xeebta Badda Cas, halkaasoo uu hore u sheegay inuu ka hirgelinayo mashruuca magaalada weyn ee Neom.

Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Boqor Feysal oo lagu daweynayo xubnaha qoyska Boqortooyada ee uu haleelay cudurka Coronavirus ayaa lagu wargeliyey inay diyaargarow dheeraad ah iyo xaalad degdeg ah galaan iyadoo laga cabsi qabo amiiro iyo madax sare ee Qoyska ka mida oo cudurku soo rito la keeno, waxaana la diyaarinayey 500 sariirood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Wasaarada Waxbarashada oo soo saartay Go’aano oo ka careesiinaya maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Shaaciyay xiliga ay bilaabaneyso soo Xulida Xildhibaanada cusub ee BF

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda DF iyo dhigiisa Pekka Haavisto?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---