Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo baaq Muhiim ah u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta shaaca ka qaaday in marka ay soo dhamaato Doorashada Senatarada Aqalka Sare si deg deg loo bilaabayo doorashada Aqalka Hoose.

Rooble ayaana ugu baaqay Madaxda dowlad goboleedyada dalka in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose si loo raaco jadwalka doorashada loogana fogadao dib u dhac.

Waxa uu sidoo kale Ra’isul Wasaare Rooble ugu baaqay Maamul goboleedyada qaar gaar ahaan kuwa aan soo dhameestirin doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare in si deg deg ah usoo dhameestiraan si loo guda galo doorashada Aqalka Hoose.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay in la rabo marka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi soo dhamaato in ay shiraan Senatarada Aqalka Sare ayna doortaan gudoonkooda si loo helo hay’addi ugu horeesay oo dastuuri ah.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili wali uu jiro khilaaf kala dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo taa oo laga cabsi qabo in saameyn ku yeelato doorashada Aqalka Hoose oon wali bilaaban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ptNXgLsgioE

Related posts

Jabuuti oo Hantiilayaasha u soo bandhigtay Saami shirkadeyd oo iibineyso

Cabdi Cade

Cristiano Ronaldo oo aqbalay Laba Sano Oo Xabsi Ah Iyo Bixinta Ganaax dhan 8.8 million euros

Cabdi Cade

Sanad Guuraddii 58aad Xornimada iyo Mideynta Soomaaliyeed July 1, 2018 Qore: Abdulkadir Ali Bolay 

admin