Meydka Madaxweynihii hore ee Somalia oo Janaaso lagu tukaday (Daawo Sawirro)

Meydka Madaxweynihii hore ee Somalia Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo saaka laga soo dejiyey garoonka Aadan cadde ayaa lagu tukaday salaada Janaasada.

Tukashada janaasada ayaa waxaa ka qeyb galay madax fara badan oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka labada aqal ee Baarlamanka Somalia, Madaxdii hore ee dalka sida Shiikh Shariif iyo Xassan Shiikh, Siyaasiyiin kala duwan iyo qeybaha bulshada.

Masuuliyiinta dowlada oo Janaasada ka dib la hadlay warbaahinta ayaa ku dheeraaday doorkii Cali Mahdi uu ka soo qaatay nabadeynta iyo dib u heshiisiinta iyo xaaladihii adkaa ee uu Qaranka ugu soo shaqeeyey.

Meydka marxuum Cali Mahdi ayaa lagu aasi doonaa salaada Jimcaha ka dib qeybta dambe ee Masaajid uu marxuumku ka dhisay xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, halkaasoo uu ka dardaarmay in agu aaso intii uu noolaa.

La soco wixii soo kordha

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -