Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Darawal Mooto bajaaj oo lagu hor dilay mid ka mid ah saldhigyada Booliska Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo marayay saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir ayaa xalay dilay darawal kaxeynayay Mooto bajaaj.

Dilka ayaa yimid kaddib markii ay murmeen darawalka mootada iyo ciidamada kaasoo aan la ogeyn waxa uu salka ku hayey.

Wararka ayaa sheegaya in askartii dilka geystay ay baxsadeen, waxaana goobta gaaray ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amaanka, iyadoo meydka marxuumka mar dambe loo qaaday xarunta CID.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay afaafka hore ee saldhiga degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir, iyadoo ciidamada booliska ee saldhigaas joogayna aysan waxba ka qaban askarta kale ee dilka geysatay.

Darawalada mooto bajaajka ayaa dhibaatooyin kala kulma ciidanka dowladda, iyadoo mudooyinkan ay joogto ka noqdeen magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood  dilalka loo geysto darawalada bajaajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Saddex caruur mataano ah oo laga helay cudurka dilaaga ah ee Coronavirus

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Marko

Caydiid Ali

Yaa wada oo lagula xisaabtamayaa Banaan baxa Muqdisho laga abaabulayo ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---