Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Xaashi oo loo sameeyey Musharax Malxiis ah & Guddiga doorashada gobolada Waqooyi oo

Guddiga Maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi ee Somaliland oo diiwan geliyay musharixii ugu danbeeyay ee qaatay shahaadada Musharaxnimada Siciid Cumar Xuseen.

Musharaxan ayaa la sheegay inuu ka tartami doono kursiga 1aad ee uu ku qoran yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi.

Liiska Musharaxiinta aqalka sare ee gobolada Woqooyi ee dhowaan la soo saaray ayaa waxaa ku xusnaa Musharaxiin ku tartamaya 11 kursi, kuwaasoo uu ku jiray Cabdi Xaashi oo kursigiisa aan lagula qorin qof la tarmaya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)  Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya oo ka mid ah siyaasiyiinta gobolada Waqooyi ayaa sheegay in Cabdi Xaashi maamuus ahaan loo siiyey kursigaas.

Lama oga sababta hadda musharax cusub oo malxiis ah loogu qoray kursigii Cabdi Xaashi, Guddiyada doorashadana faahfaahin kama bixinin.

Dhinaca kale,Guddiga Hirgalinta Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa caawa sheegay inay bari musharaxiintu bilaabi doonaan hadal jeedintooda.

“Guddiga maamulka Doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland waxay ogaysiinayaan dhamaan musharixiintii isku diiwan geliyay tartanka Doorashada Aqalka Sare ee Somaliland in berrito oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28-09-2021 (Talaada) ay si rasmiya u  bilaaman doonto hadal jeedintii (Khudbadihii) musharixiinta” ayaa lagu yiri qoraal caawa ka soo baxay guddiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Al-shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degaanka Baar-sanguuni

Caydiid Ali

Xubno ka tirsan Daacish oo isku dhiibay ciidanka Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Qorshayaal Qarsoon oo la sheegay in Fulintooda lagu qarinayo Khudbadii Madaxwene Farmaajo !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---