DEG DEG: Qarax lala beegsaday Maqaahi ku taalla Kismaayo iyo Khasaare ka dhashay

Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac leh sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday miinada la aaso lala beegsaday Maqaahi loo yaqaan Xeebta Cagaha Gali oo ay dad shacab ah ku fiidsanayeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska & Nabadsugida Jubbaland ay tageen halka uu qaraxa ka dhacay, halkaasoo ay ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii qaraxa ka dambeeyay.

Ma cadda weli sababta maqaahidan loola beegsaday qaraxa iyo cida bartilmaameedku ahaa. mana jirto weli cid sheegatay inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -