Natiijo hordhac ah oo ka soo baxaysa doorashada hogaanka dalka Jarmalka

Musharaxa Xisbiga bidix dhexe ee dalka Jarmalka Olaf Scholz, ayaa u sheegay taageerayaashiisa inuu ku faraxsan yahay natiijada hordhaca ah ee uu ka keenay xisbiga doorashadii maanta dhacday.

Scholz ayaa tilmaamey inuu aad ula dhacey muwaadiniinta dalka Jarmalka iney u codeeyeen xisbigooda, sidii ay kal horaba ugu codeyn jireen.

Hoggaamiye Scholz wuxuu ku macneeyey natiijada doorashada ee maanta dhacdey mid guul ah.

Cod-bixiyeyaasha ayuu sheegay iney muujiyeen sida ay isaga u doonayaan inuu noqdo ra’iisal wasaaraha xiga ee Jarmalka.

Scholz ayaa lagu wadaa inuu xilka Ra’iisal Wasaarenimada ka bedelo haweeneyda Angela Merkel oo muddo dhan 16 sano dalka jarmalka soo hoggaamineysay.

- Advertisement -