Madaxweyne Qoor Qoor oo lagu cadaadinayo in uu runta sheego mowqifkiisana cadeeyo

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ku guuldareestay dedaalo uu xal ugu raadinayay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble.

Wasiiro katirsan maamulka Galmudug aadna ugu dhaw Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in uu fashilmay dedaaladii xal u raadinta uu waday Madaxweynaha, waxa ayna ku eedeeyeen in Madaxweyne Farmaajo in uu caqabad ku noqday wadahadalkii socday.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor oo weli jooga Muqdisho ayaana ka hadlin fashilka ku yimid waan waantii uu waday, waxa uuna ka gaabsaday in uu soo bandhigo waxa keenay fashilka iyo cida masuulka ka aheyd.

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin siyaabo kala duwan ula kulmay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku cadaadiyay in uu ka hadlo sababta fashilka waan waantii uu waday iyo waliba cida masuulka ka ah in guul daro kusoo dhamaato waan waantii uu waday.

Qoor Qoor oo siyaasad ahaan la aaminsan yahay in Farmaajo u janjeero ayaa diidan in uu ka hadlo fashilka wadahadalka uuna eeda dusha ka saaro Madaxweyne Farmaajo, waxa uuna sheegay in uusan weli quusan uuna mar kale isku dayayo waan waanta.

Sida ana xogta ku helnay siyaasiyiinta la kulmay Qoor Qoor oo Galmudug kasoo jeeda ayaa uga digay in uu dhinac la safto gaar ahaan Farmaajo, waxa ayna ugu goodiyeen hadii uu talaabadaasi qaado iyaguna ay dhabarka xejin doonaan maamulkiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaana dhawaan la kulmay Ra’isul Wasaare Rooble oo markii hore aragti ahaan kala fogaayeen, mana jiro ilaa hada Madaxweynaha Galmudug wax war ah uu kasoo saaray khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -