Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo maanta Duqeyn ka geestay Mudug iyo Dowlada oo ka hadashay

Diyaaradaha dagaalka dowlada Mareykanka ayaa maanya duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyay Deegaan la sheegay in ay ku sugnaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo kuyaala duleedka Qeycad ee gobolka Mudug.

War saxaafadeed kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeyntaas lala eegtay goob ay ku sugnaayeen Al Shabaab uuna kasoo gaaray khasaaro kala duwan.

Dowlada Soomaaliya warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu bur buriyay goob ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab sidoo la wiiqay awoodii Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Ciidamada Danab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa la sheegay in ay wareegeen deegaanka ciidamada Mareykanka duqeeyeen, walina lama oga khasaaraha dhabta ah ee duqeyntan kasoo gaartay Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha dhinaca cirka ee ka geesanayaan deegaanada Galmudug , waxa ayna duqeymahan imaanayaan xili ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Danab howlgalo ka wadaan gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha kooxda Daacish-ta Somalia oo muuqaal cusub lagu arkay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Kenya oo go’aan adag ka gaartay ka ganacsiga Hilibka Dameeraha

Cabdi Cade

Sidee Madaxweyne Qoorqoor loogu soo dhoweeyey Magalada Baydhabo? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---