Mutlaq Al-Qahtani oo maanta la kulmaya qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo Madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulankan uu Dr. Mutlaq Al-Qahtani la qaadanayo madaxda maamulada taabacsan dowlada federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah kulamada siyaasadeed uu ergayga ka bilaabay magaalada Muqdisho.

Ergaygan iyo madaxda maamulada taabacsan Dowlada federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada Soomaaliya iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho loo dhan yahay raalina laga yahay.

Dowlada Qatar ayaa ergaygan usoo dirtay magaalada Muqdisho si uu ula kulmo una dhax dhaxaadiyo mucaaradka iyo madaxda dowlada federaalka, waxa uuna ergayn shalay la kulmay madax katirsan dowlada iyo qaar kamid ah Musharaxiinta mucaaradka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -