Khilaaf soo kala dhax galay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed iyo Doorashadii oo joogsatay

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Khilaafka wararku sheegayaan in uu salka ku hayo doorashada kursi katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka gaar ahaan kursiga ay leedahay Beesha uu kasoo jeedo Yuusuf Dabageed kaa oo rabsho ku dhamaatay doorashadiisa xili Jowhar ka socotay.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo horey usoo saartay Musharaxiin gaar ah uu u rabay kuraasta Aqalka Sare ayaa ka diiday kuxigeenkiisa in uu usoo saaro Musharax uu watay taa oo keentay in Yuusuf Dabageed ka caroodo sida uu ula dhaqmay Cali Guudlaawe.

Xildhibaanada Hirshabelle ayaa la sheegay in badankood uu gacanta ku hayo Cali Guudlaawe ayna dooranayaan musharax uu uu u far muuqo , waxa ayna taasi dhalisay shaki la xariira in Guudaalwe kasoo horjeedo Musharaxa uu taageerayo Yuusuf Dabageed.

Wadahadalo xal loogu raadinayay khilaafka Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed ayaa fashilmay, waxaana khilaafkan uu sababay in ay joogsadaan doorashada labo kursi oo ka hartay kuraaqsta Aqalka sare ee Hirshabelle leedahay.

Hirshabelle ayaa horey loogu amaanayay in ay qabteen doorasho furan ay ka qeyb galeen musharaxiin badan, hasa ahaatee waxa uu noqday maamulka kaliya ee rabsho kusoo dhamaado iyada oo doorashao socoto sidoo kale madaxdooda isku khilaafana doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -