Xukuumada Soomaaliya oo si adag u beenisay Warqad lagu faafiyay Baraha Bulshada

Xukuumada Soomaaliya ayaa beenisay warqad saacadihii lasoo dhaafay lagu baahinayay baraha bulshada oo lagu sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Rai;sul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Warqadan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ka codsaday bangiga dhaxe in lagu soo wareejiyo lacag ka badan 9-Milyan Dollar oo ka timid Imaaraadka kuna jirta khasnada dowlada.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimoo ayaa been abuur ku tilmaamay warqadan lagu faafiyay baraha bulshada, waxa uuna sheegay in warqadan tahay mid lagu jahwareerimnayo shacabka Soomaaliyeed.

”Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh.” ayuu yiri Macalimii.

Warqadan been abuurka ah ayaa la sheegay in si gaar ah baraha bulshada ugu faafinayeen qaar kamid ah taageerayaasha jidbeesan ee Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo maalmahan ku mashquulsanaa fidinta dacaayado ka dhan ah Ra’isul Wasaare Rooble.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -