Safaaradda Sweden ee Baqdaad oo la gubay ka dib Quraan gubid kale oo la ogolaaday (Sawirro)

Boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa subaxnimadii hore ee maanta oo Khamiis ah xoog ku galay dhismaha safaaradda Sweden ee ku taal bartamaha magaalada Baqdaad, kuwaasoo ku daatay  darbiyada safaaradda, isla markaana dab qabadsiiyay, iyagoo ka soo horjeeda Dowlada Sweden oo mar kale ogolaatay in la gubo kitaabka Quraanka maanta oo khamiis ah, kaasoo ka dhacaya ka soo horjeedka safaarada Ciraaq ee magaalada Stockholm.

Dhammaan shaqaalihii safaaradda Baqdaad ayaa badqaba, iyadoo xafiiska warfaafinta ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden oo bayaan soo saaray uu sheegay inay cambaareynayaan weerarka, isla markaana ay muujinayso baahida loo qabo in mas’uuliyiinta Ciraaq ay ilaaliyaan amaanka safaaradaha.

Bannaanbaxa ayaa waxaa ku baaqay taageerayaasha wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Sadr si ay uga mudaaharaadaan qur’aanka kariimka ah oo mar kale la qorsheeyay in lagu gubo dalka Sweden toddobaadyo gudahood, sida lagu sheegay qoraalo lagu daabacay bogga koox caan ah oo Telegram ah oo xiriir la leh wadaadka saamaynta badan iyo warbaahinta kale ee taageerta Sadr.

Wakaalada wararka Sweden ee TT ayaa arbacadii sheegtay in booliska Sweden ay ogolaadeen codsi ku aadan shir dadweyne oo ka dhacaya banaanka safaarada Ciraaq ee Stockholm maanta oo Khamiis ah.

Codsiga ayaa sheegaya in codsaduhu uu doonayo inuu gubo Quraanka iyo calanka Ciraaq.

Muuqaalo ayaa markii dambe la baahiyey muujinayay qaac ka kacayay dhismo ku yaalla dhismaha safaaradda iyo dad mudaaharaadaya oo taagan saqafkeeda..

Wasaaradda arrimaha dibadda Ciraaq ayaa sidoo kale cambaareysay dhacdadan, waxayna bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dowladda Ciraaq ay ku amartay ciidamada ammaanka inay baaritaan degdeg ah ku sameeyaan.

Ciidamada ammaanka ayaa weerarka ka dib la soo dhoobay gudaha safaaradda, waxaana qiiq ka kacay dhismaha, iyadoo dab-damiska ay damiyeen qaraxyo ka dhashay dabka, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa goobjoogeyaal

Dabayaaqadii bishii hore ayuu Sadr ku baaqay dibadbaxyo looga soo horjeedo Sweden iyo in safiirka Sweden laga ceyriyo dalkaas kadib markii uu qur’aanka ku gubay Stockholm nin Ciraaqi ah.

Dowlado dhowr ah oo Muslimiin ah oo ay ku jiraan Ciraaq, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Urdun iyo Marooko ayaa soo saaray dibadbaxyo ay kaga cabanayaan dhacdadan, iyadoo Ciraaq ay dooneysay in ninkaas loo soo gacan geliyo si loogu maxkamadeeyo dalkaas.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

- Advertisement -