Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoyska, Ehelada, Asxaabta iyo Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Mahdi Maxamed oo maanta geeriyooday.

“Waxaan geerida Madaxweynihii hore uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu Jannadiisa Firdows ka waraabiyo, ehelkiisii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa madaxweynihii 4aad ee Jamhuuriyadda, waxa uu siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gen. Saadaq Joon oo garab ka helay Farmaajo oo bari Xildhibaan noqonaya & Xogtaas oo horay .. !!

admin

Madaxweynaha Galmudug oo Taageero kala duwan loo balan qaaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Salaado Cabdulle Xalane oo Muqdisho ku geeriyootay iyo Tacsi loo dirayo Eheladeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---