UK oo Digniin adag kasoo saartay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble fariina u dirtay Ciidanka

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sii xoogeestay, waxaana khilaafkan walaac xoogan ka muujiyay qaar kamid ah wadamada Caalamka ee sida weyn u taageera Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Afrika u qaabisan UK-Vicky Ford, ayaa walaac xoogan ka muujisay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble , waxa ayna sheegtay in khilaafkan dhaawici karto kalsoonida beesha caalamka ku qabaan dowladnimada Soomaaliya.

Vicky Ford, ayaa sheegtay in dowlada UK si weyn uga wel welsan tahay khilaafka sii xoogeesanata u dhaxeeya madaxda Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in khilaafkan wiiqi karo kalsoonida hogaamiyaasha Soomaalida .

“UK waxay aad uga welwelsan tahay xiisadda siyaasadeed ee hadda ka jirta Soomaaliya. Khilaafkooda halista ah waxa uu wiiqi karaa kalsoonida hoggaanka Soomaaliya waxayna halis gelinaysaa badbaadada iyo mustaqbalka dadka Soomaaliyeed,”  ayey tiri Vicky Ford.

Dowlada UK ayaa ugu baaqday hogaamiyaasha Soomaaliya in ay ka fogaadaan wax kasta oo halis gelin kara mustaqablka Soomaaliya sidoo kale lumin kara kalsoonida iyo taageerada beesha Caalamka siiso Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Afrika u qaabisan UK-Vicky Ford, ayaa ugu baaqday ciidanka Soomaaliya in diirada saaraan kahor taga halista Al Shabaab oo suurto gal tahay in ay ka faa’iideestaan khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xun ku yeesho sii socoshada doorashada dalka ka bilaabatay sidoo kale abuuro khalalaase amni iyo mid siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -