Qaraxyo lagu bur buriyay dhismayaal kuyaala garoonka Diyaaradaha Buulo Burte (Sawirro)

Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qaraxyo miino lagu bur buriyay qeybo kamid ah dhismayaal cusub oo dhawaan laga hirgaliyay gudaha garoonka Diyaaradaha ee Buulo Burte.

Sida aan wararka ku helnay dhismayaashan oo dhawaan laga dhisay garoonka oo loogu tala galay in dadka safraya iyo kuwa imaanaya ku nastaan ayaa qaraxyo miino lagu xiray laguna bur buriyay.

Lama soo sheegin wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay qaraxyadan lagu bur buriyay dhismayaashan ku dhax yaalay gudaha garoonka diyaaradaha degmada Buulo Burte oo horey ugu jirtay go’doon dhinaca dhulka ah.

Garoonka diyaaradaha Degmada Buulo Burte ayaa kal hore sidaan oo kale qaraxyo miino loogu bur buriyay dhismayaal ku dhax yaalay garoonkaasi oo hada u muuqda mid aan amaankiisa la isku haleyn karin.

- Advertisement -