Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Ammaanka ee QM oo war ka soo saaray khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Xubnaha Golaha Ammaanka waxaa warbixin ka siiyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey xaaladda Soomaaliya ee xilligan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay muujiyeen sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex jira madaxda Dowladda Soomaaliya iyo saamaynta taban ee ku aaddan jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada.

Waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay is -xakameeyaan, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada -hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay muddadii lagu heshiiyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka inay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabo mideysan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay xaqiijiyeen ixtiraamka ay u hayaan, madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado joojiyey taageero Milateri oo ay siin jireen Ciidamada dowlada Somalia

Caydiid Ali

Saciid Deni oo shaaciyay waxa ay isku hayaan Dowlada Federaalka iyo maamulkiisa

Cabdi Cade

Farmaajo oo War ka soo saaray colaada ka dhex aloosan Xeraale & Caabudwaq

Caydiid Ali
Taboola Ads ---