Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Saciid Deni oo shaaciyay waxa ay isku hayaan Dowlada Federaalka iyo maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni oo magaalada Qardho  kula hadlay Odayaasha Dhaqanka ayaa shaaca ka qaaday waxa ay xiligan isku hayaan maamulkiisa iyo dowlada federaalka .

Saciid Deni ayaa sheegay in waxa ay isku hayaan dowlada federaalka aysan aheyn mashaariic iyo wax kale balse ay isku hayaan xisaab uu sheegay in ay uga maqan tahay dhinaca dowlada federaalka.

Madaxweyne Deni ayaa si sarbeeb ah u sheegay in dhowr jeex wax loo sheeg sheegay balse isagu iska diiday, waxa uuna tilmaamay in isaga waxa loo doortay ay tahay waxa Puntland uga maqan dowlada federaalka uu kala xisaabtamo.

”Aniga waxaa soo ahaa Wasiirka Qorsheynta waxa meesha yaalla oo nooga maqnaan kara waa garan karaa, xaqiiqda waxa yaala oo dadku maleynayaan mashaariic ma ahan, dowladda soomaaliya waxay ku jirtaa wax la yiraahdo geeddi socod siyaasadeed, dowladdu weli ma caga dhigan, geeddi socodka siyaasdadeed ma ahan waxa la isa siiyo, geeddi socodka siyaasadeed waxa la rabaa ina aan qeyb ka nahay haddaan reer Puntland, waa xisaabtanka, xisaabtanka naga maqan ayaa halkaan la fadhiyaa” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in maamulkiisa uusan kasoo horjeedin dowlada federaalka, waxa uuna xusay In Puntland tahay meesha laga aas aasay dowlada isagoona cadeeyay in ay dowlada ka rabaan mudnaantooda iyo xaqa ay ku leeyihiin.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xili khilaaf uu ka dhax jiro dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland, waxaana inta badan shacabka ka daahsoon waxa ay isku hayaan Dowlada Federaalka iyo Hogaanka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi & Madaxda mucaraadka Somaliland oo ka wada hadlay saddex qodob

Caydiid Ali

Wafdi uu horkacayo Gen. Hulusi Akar oo beri ku soo wajahan Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Sheikh Mohamed bin Zayed oo gaaray dalka Qatar lana kulmay Amiir Sheikh Tamim

Cabdi Cade
Taboola Ads ---