(Akhriso) Madaxweyne Biixi oo soo saaray Wareegto lagu magacaabay Guddi cusub

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto cusub uu soo saaray ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.
Guddigan uu Madaxweynaha Somaliland magacaabay waxaa Gudoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, waxaana xubno ka ah masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Somaliland.
Halkan ka Akhriso Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Biixi
 
Wareegto Madaxweyne
 
MAGACAABID
 
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;
 
Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;
 
Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;
 
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
 
Waxaan Go’aamiyey;
 
In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
 
1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.
 
2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.
 
3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.
 
4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.
 
5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.
 
6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.
 
7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -