Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo hal arin oo muhiim ah ka codsaday Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed.

Kulanka Rooble la yeeshay labadan masuul ayaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) ee dhawaan la filayo in magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaana ka codsaday Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’isul Wasaare Kuxigeenka in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiskiisa ugu soo gudbiyaan liiska musharaxiinta ku tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’isul Wasaare kuxogeenka dalka ayaana balan qaaday in si dhaqso ah liiska musharaxiinta ugu soo gudbin doonaan xafiiska Ra’isul Wasaaraha si loo guda galo doorashada xubnaha Aqalka Sare ku matalaya gobolada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/u7x97EsctSU

Related posts

Muxuu Deni kala hadlay saraakiisha laamaha amniga Puntland? (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Baarlamanka Somalia uu wado qorshe muddo kordhin labo sano ah?

Caydiid Ali

Muxuu Rooble kaga jawaabay dalabka Uhuru Kenyatta ee ah in laga wadahadlo kiiska badda?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---