Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Xasan oo la tusay istaraatiyadda iyo qaabka loo qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo saddex todobaad ah ku sugan magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug, waxa uuna madaxweynaha halkaasi ka wadaan hoggaaminta howlgalka xureynta bariga Galgaduud.

Xasan Sheekh oo ah taliyaha ugu sareeya ciidanka qalabka sida ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee lagu doonayo in Al Shabaab guud ahaan laga saaro Galmudug, gaar ahaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri oo sanno badan kooxda heestaan.

Madaxweynaha ayaa la tusay istaraatiijiyada loo dejiyay howlgalka la doonayo in Al Shabaab looga saaro degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga, waxaana la tusay madaxweynaha qaabka loo qorsheeyay in loo qabto degmooyinkaasi.

”Madaxweynaha oo ku howlan xaqiijinta Soomaaliya xasiloon oo ka caagan argagixisada ayaa Ciidamada Xooga Dalka u jiheeyay shaqadoodii qaran, waxaana iyagoo kaashanaya dadka Soomaaliyeed ay wajaheen cadowga, iyadoo qorshahu yahay cirib tirka Argagixisada Galmudug ku harsan in lagu soo gabagabeeyo wajiga hore ee dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta” ayaa lagu qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa saacadihii lasoo dhaafay Al Shabaab ka saaray deegaanno katirsan Galgaduud, waxa ayna ciidamada qorsheenayaan in maalmaha soo aadan guud ahaan la wareegaan Ceelbuur, Galhareeri iyo deegaannada hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Günter Nooke

Cabdi Cade

Maxay ka dhigan tahay Guusha Doorashada Max’uud Cali Yuusuf?

Caydiid Ali

Halis ku gedaaman safarka Rooble ku tagayo Kenya & labo qodob oo looga hortegi karo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---