Liibaan Madaxweyne oo Sheegay in uu ka bad baaday Shirqool uu ku dili rabay Farxan Qaroole

Sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya kana mid ahaa saraakiishii Bad baado Qaran oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne ayaa sheegay in uu saakay ka bad baaday shirqoolo la doonayay in lagu dilo.

Wareysi uu bixiyay ayuu ku sheegay Liibaan Madaxweyne in saakay xili uu marayay agagaarka Isgooska Banaadir weerar kusoo qaadeen ciidamo katirsan booliiska gaar ahaan kuwa Haramcad uu sheegay in uu soo diray Taliyaha booliiska G/Banaadir Farxan Qaroole.

Sargalkan katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa beeniyay in dagaalka saakay ka dhacay Isgooska Banaadir uu salka ku hayay dhul la isku heestay, waxa uuna cadeeyay in uusan dhulkaasi shaqo ku laheyn uuna goobta iska marayay marka xabada lagu bilaabay.

” Waxaan ka bad baaday shirqool uu soo maleegay Farxaan Qaroole uu doonayay in lagu dilo, ilaah ayaana iga bad baadiyay shirqoolkaasi, horey ayuu gurigeyga iigu soo weeraray Farxaan Qaroole , mana jirto warka la sheegayay ee ah in dhul salka ku hayo dagaalka saakay ka dhacay” ayuu yiri Liibaan Madaxweyne.

Hadalkan kasoo yeeray sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xili saakay dagaalka ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir uu salka ku hayay dhul la isku heesto uuna dagaalka dhax maray ciidamo katirsan booliiska iyo kuwa milatari ah.

Taliska ciidanka booliiska ayaa dhankooda beeniyay in dagaalkii saakay ka dhacay agagaarka Isgooska Banaadir ay ku lug lahaayeen, waxa ayna booliiska xuseen in dagaalka u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo dhul isku heestay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -