Kenya oo Fiisaha u diiday Madaxda dowlada Soomaaliya & Masuuliyiin ku xaniban..

Dowlada Kenya ayaa bilowday iney viisaha ama dalku galkeeda ka joojiso Wasiirada iyo xildhibaanada Baarlamanka Somalia ee dalkaas booqanaya.

Labada dowladood ee kenya iyo Somalia ayaa horey ugu heshiiyey in masuuliyiinta Soomaalida ee dalkaas booqanaya viisaha lagu siiyo garoomada dalkaas balse kenya ayaa hadda u muuqata iney ka baxday heshiiskaas.

Wasiir ka tirsan xukuumada Somalia oo saaka gaaray Nairobi ayaa loo diiday in baasaboorkiisa diblomaasiga ah ee Soomaaliga  loo saaro viisaha Kenya, waxayna wararku sheegayaan in Wasiirka uu la soo baxay baasaboor shisheeye oo uu watay kaasoo loo saaray fiisaha Kenya.

Sidoo kale, Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ay Caawa ku xayiran yihiin Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta ee caasimada dalka Kenya.

Sida wararku sheegayaan mas’uuliyiinta ku xayiran garoonka waxa ka mida Wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Libaax Ibraahim iyo Senetarada kala ah Ilyaas Cali iyo Zamzam Cali oo ka tirsan Aqalka Sare, kadib markii dowladda Keny ay ku soo rogtay mas’uuliyiinta dowladda Federaalka inaan Fiso lagu siin imaanshaha sidii hore u dhici jirtay.

Saraakiisha Waaxda Socdaalka dowladda Kenya ayaa diiday inay Visa ugu dhuftaan  Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Somalia oo lagu xayiray Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi  ilaa aroornimada Berri oo Talaado ah oo dib loogu celinayo magaalada Muqdisho oo ay ka yimaadeen.

Kenya ayaa la aaminsan yahay iney talaabadan uga gol leedahay sidii ay cadaadis ugu saari laheyd dowlada Somalia iney ka labaato dacwada badda ee hor taala Maxkamada caalamiga ah ee ICG, iyadoo dhowaana joojisay duulimaadyadii tooska ah ee Nairobi, dibna u soo celisay in dayuuradaha ka yimaada Somalia lagu baaro Wajeer ka hor inta aysan gaarin Nairobi.

Wasaarada arrimaha dibeda Soomaaliya ayaan illaa hadda wax war ah ka soo saarin wajiga cusub ee ay la soo baxday Kenya iyo dhibaatooyinka sii xoogeysanaya ee ay ku heyso dadka safarka ah ee Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -