Askari ka tirsan ciidanka DF oo toogasho ku dilay gabar uu Jaceyl kala dhexeeyey

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Belad-xaawo ee gobolka Gedo askari ka tirsan ciidamada dowlada ee halkaas ku sugan ayaa toogasho ku dilay haweeney ka tirsaneyd dadka degaanka.

Askariga ayaa la sheegay inuu xiriir jaceyl kala dhexeeyey gabadha uu dilay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilkan uu yimid ka dib markii uu muran soo kala dhex galay askariga iyo gabadha, kaasoo sababay inuu caroodo, isla markaana rasaas ku furo gabadhii jaceylkiisa aheyd.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in muranka uu salka ku hayey arrimo la xiriira hinaase ama maseyr.

Ciidamada amniga degmada Belad-xaawo ayaa la soo sheegayaa iney baadi goobayaan askariga dilka geystay oo baxsaday, waxaana dhacdadan si weyn looga hadal hayaa gudaha degmadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -