Ogow Tirada Lacagta kasoo xarootay Diiwaan gelinta Musharaxiinta Aqalka Sare ee Hirshabelle

Magaalada Jowhar waxaa lasoo gabo gabeeyay diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee ku matali doona dowlad Goboleedka Hirshabelle Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa qaaday talaabo aan horey loo fileyn oo ahaa in uu cadaalad u sameeyay musharaxiinta damaca kaga jiro kuraasta Aqalka Sare, waxa uuna doorashada ka dhigay mid furan oon cid gaar ah loo xirin.

Guddiga Doorashada ayaa diiwaan geliyay 27-Musharax oo buuxiyay shuruudaha u tartamida Aqalka Sare, waxaana xubnahan u tartami doonaan 8-da Kursi ee Hirshabelle ku leedahay Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa Hirshabelle ayaana noqotay mida ay kasoo xarootay lacagta ugu badan ee diiwaan gelinta, waxaana musharax kasta oo rag ah laga qaadayay lacag dhan 20-Kun oo Dollar halka kuwa dumarka laga qaadayay 10-kun.

Diiwaan Gelinta Musharaxiinta u tartamaya in ay Hirshabelle ku matalaan Aqalka Sare  ayaa waxaa kasoo xarootay lacag gaareysa 490-Kun oo Dollar, lacagtan ayaana lagu shubay akoon ay leeyihiin Guddiga Doorasyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -