Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo Mudo kadib dib loo furay (Sawirro)

Waxaa maanta mudo sanado kadib dib loo furay laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye  ee gobolka Shabeelaha Hoose oo u xirnaa dhismaha wadadaasi ka socday oo qaadatay waqti dheer.

Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ayaana saakay loo fasaxay in ay si caadi ah u isticmaalaan wadadaasi oo markii hore dhagxaan lagu xiray, waxa ayna gaadiidka isticmnaali jireen wadooyin qardo jeex ah oo dhib badan ku qabeen.

Dadka degan degmada Afgooye iyo deegaanada dhaca duleedka magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay in dib loo furo wadadan oo mar hore la dhisay balse aan loo fasixin in gaadiidka dadweynaha isticmaalaan.

Wadadan dhismaheeda oo ku baxday malaayiin dollar waxaa maal gelisay dowlada Qadar halka ay dhistay dowlada Turkiga, waxaana dhimaha wadadan  wax weyn ka tareysaa isku socodka magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -